Mid ka mid ah Xabsiyada ugu ballaaran qaarada Africa oo maanta xariga laga jaray magaalada Muqdisho

0
342

Sabti, Feberaayo, 23, 2019 (RBBNEWS)- Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in xariga laga jaro mid ka mid ah xabsiyada ugu ballaaran qaaradda Africa.

Xabsigan oo qaab casri ah loo dhisay ayaa furitaankiisa lagu soo aadiyay sanad-guurada 49aad ee ka soo wareegatay aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidanka Asluubta ayaa sheegay in xabsigan uu la mid  yahay sida xabsiyada caalamka ku yaal, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid  ah xabsiyada ugu weyn geeska Afrika.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa  xarunta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.