Midowga musharixiinta Jubbaland oo Shuruudo ku xiray ka qeybgalka doorashada maamulkaas

0
231

Arbaco, RBB News – iyadoo ay jirtay walaac ay qabaan Musharixiinta u taagan qabashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxay soo saareen qodobo shuruud ay kaga dhigeen ka qeyb galka doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.

Musharixiintan ayaa la baxay Midowga Musharixiinta isbadal doonka dowlad goboleedka Jubbaland waxayna kulan ay la qaateen Masuuliyiintii ka socotay Urur Goboleedka IGAD, waxayna hor dhigeen Shuruudo tira ahaan gaaraya Sideed qodob iyagoo sidoo kale dalbaday in shuruudahaas  loo gudbiyo EU Midowga yurub, Midowga Afrika, UNSOM, Arab league, iyo dowladaha sida gaarka ah u daneeya Arimaha Soomaaliya.

Shuruudaha ay soo saareen Musharixiintan la magac baxday Midowga Musharixiinta Jubbaland waxay u qorneyd sidatan:-
1) In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland.

2)  In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan  Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM.

3) In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM.

4) In hal qof  loo soo xulo  kursi Xildhibaan

5)  In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan.

6)  In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka

7) In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada.

8)  In in Goob joogayaal Caalami ah  la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dad badan ayaana ka dhursugaya sida madaxda waqtigan talada haysa ee maamulkaasi ku dhaqan galin karaan shuruudahaas, iyadoo ay xusid mudan in madaxweynaha Jubbaland ee waqtigiisa sii dhamaanayo Axmed Madoobe uu sheegay in qabashada doorashada jubbaland ay u madaxbanaan yihiin gudiga doorashada ee maamulkaasi.