Munaasabad lagu xasuusanaayo Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

0
313

Isniin, RBB News – Magaalada muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xasuusanaayo maalintii uu dhacay Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga, waxaa ka qeyb galay masuuliyiin uu kamid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ku leedahay Muqdisho iyadoo si weyn loogu mahad celiyay shacabka dalka turkiga oo xiligaas muujiyay isku duubni kana hortagay Afgambigii la doonayay in lagula wareego Dalka Turkiga.

Xaalad jahwareer ah ayuu dalka turkigu galay waagaas iyadoo ciidamo hubeysan ay wadooyinka iyo xarumaha muhiim ah doonayeen in ay la wareegaan balse shacabka dalkaasi ayaa muujiyay geesinimo ay kaga hortageen inqilaabkii lala damacsana dalkaasi.