Musharax Mareykanka Katirsan Oo Kadigay in Ciidamadooda ay sii joogaan Ciraaq.

0
246

Arbaco, RBB News:- Murashax u taagan xilka Madaxtinimo ee Mareykanka kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ka hadlay dibadbaxyada ka dhanka ah Milatariga Mareykanka ee ku sugan wadanka Ciraaq.

Dr. Ron Paul ayaa sheegay in uu ka tixgalinayo cabashada shacabka Ciraaq ka siyaasi ahaan loona baahan yahay in xukuumada Washington ay aqbasho cabashada shacabka dalkan Carbeed.

Waa in aan dhageysanaa cabashada shacabka Ciraaq maxay tahay sababta ay tahay sababta aan u diidan nahay waa in aan aqbalnaa Arintaan ayuu yiri Dr Paul.

Siyaasigan oo horay uga tirsanaa aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa dhanka kale uga digay madaxda Mareykanka in ay dayacaan ciidanka ku sugan Ciraaq oo wajahaya caqabad amni darro maadaama ay sii kordheyso carada ay shacabka u Qabaan.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo dibadbaxyo xoogan oo ka dhan ah milatariga Mareykanka ay ka socdaan wadanka Ciraaq.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bartamihii bishan sheegay in Mareykanka qarash xoogan uu kaga baxay Ciraaq ayna ka saari doonin Ciidankooda.

Xukuumada Baqdaad ayaa dalbatay in Washington ciidankeeda ka saarto Ciraaq kadib dilkii qorsheysnaa ee 2-dii bishan loo geestay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani