Muslimiinta ku sugan Itoobiya oo cadaalad dalbaday

0
249

Arbaco, RBB News – Dhowr kun oo muslimiin ah oo ku baahsan guda ahaan dalka Itoobiya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay ka mudaaharaadayeen falalka lagu gubay Afar masaajid oo kuyaala gobolka Amxaarada.

Weerarradii Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxay ka dhaceen magaalada Motta, oo in kabadan 350km (217 mayl) waqooyiga kaga beegan caasimada Addis Ababa, sidoo kale waxaa la bartilmaameedsaday ganacsato Muslimiin ah.

Muslimiintu waxay ku baaqeen in dambiilayaasha la horkeeno cadaaladda.

Raiisel wasaare Abiy Ahmed mar uu haayay ayaa ku tilmaamay weerarada “iskuday ay xagjiriintu ku doonayaan inay ku baabi’iyaan taariikhdeena hodanka ah ee dulqaadashada diinta iyo wada noolaanshaha”.

Saraakiisha gobolka ayaa lagu dhaleeceeyay jawaab-celinta gaabiska ah iyo awoodooda ay u adeegsadeen weerarada dhacay.