Nabadoon Gaalkacyo Lagu dilay Iyo Howlgallo Saakay Kasocdo.

0
720

Alle ha u naxariistee waxaa Xalay magaalada Gaalkacyo lagu dilay Nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle oo katirsan waxgaradka Gaalkacyo.

Nabaddoonka la dilay ayaa waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda weyn looga yaqaano gobolka Mudug.

Kooxo Baastoolado kuhubeysan Ayaa toogtay Nabadoonka ayagoo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Israaca ee kutaal Waqooyiga Gaalkacyo.

Ciidanka maamulka Puntland ayaa Sakaay howlgallo kawada gudaha Magaalada Gaalkacyo, ayadoo ay baadi goob xoogan ugu jiraan sidii ay usoo  qaban lahaayeen ragii kadambeeyay Dilka Nabadoon Cabdiqani Baalle.

Howlgallada ayaa saameeyay dhamaan xaafadaha Magaalada iyadoo saakay uu hakad kujiro isu socodka Shacabka Qeybahooda kala duwan.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo in ay jirto cid taqaan waxaana ciidamadu ay qabteen dhalinyarada qaar oo illaa iminka ay gacanta ku hayaan.