Natiijada Imtixaanada dugisyada oo soo baxday

19
2909

Shir uu ku qabtay magaalada Muqdiso ayaa wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Daahir uu ku shaaciyey natiijada Imtixaanada shahaadada dugsiyada sare ee Somalia.

Wasiirka ayaa sheegay in 20,030 arday imtixaanka u fariisatay. Tiradaas 12,078 ka tirsani wiilal ayey ahaayeen, halka 7,052 ay gabdho ahaayeen.