Neymar oo loo sheegay in uu ku biiro Real Madrid

0
309

Isniin, RBB News –Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa ku laabashada horyaalka La Liga ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga Spain iyada oo ay adeegiisa ku dagaalamayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa loo sheegay in uu iska diido in uu Ku Biiro Barcelona kana doorto Real Madrid sabab la xidhiidha in uuna mar kale ku laaban hooska Lione Messi.

Neymar ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda PSG xilli ay xiiso u qabaan waliba si dhab ah u doonayaan saxiixiisa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Brazil doonayo in uu ku laabto Barcelona halkaas oo uu ku qaatay 4 sano intii u dhexaysay 2013 ilaa 2017 halkaas oo u kula guulaystay champions League.

Laakiin khabiirka reer Spain ee Alvaro Benito ayaa rumaysan in ay tahay in uu Neymar ku biiro Real Madrid hadii uu doonayo in uu helo koox uu xiddiga 1-aad ka noqdo.

“Shaki la,aan maya” ayuu ku jawaabay markii khabiirka la waydiiyay in ay Real Madrid tahay dookha 1-aad ee Neymar.

“Waxa aan ka ciyaaray halkaas, waxa aan ku soo noolaaday magaalada waanan garanayaa haatanba saaxiibadayda hadii aan dooran karo waxa aan aniga oo faraxsan ku laabanayaa Barcelona”ayaa ahayd hadalkii uu Neymar ka yidhi doorashada Real Madrid ama Barcelona.

“Hadii uu dhawr arin qiimeeyo waxa uu ogaan doonaa in uu Real Madrid ka noqon doono xiddiga 1-aad ee kooxda”.

“Laakiin waa in uu marka kale hore is muujiyo laakiin Barcelona ilaa inta Messi meesha laga saarayo waxa uu ahaan doonaa No.2 ama xiddiga 2-aad”.

“Sidaas darteed waxa aan kula talin lahaa in uu ku biiro Real Madrid.