Nin hubeysan oo rasaas ku furay Dad Banaanbax Dhigayay.

0
329

Khamiis, RBB News:- Nin hubeysan oo aan heybtiisa wali la garan ayaa rasaas ooda uga qaaday dibadbaxayaal ka soo horjeeday sharci badalka Muwaadinimo ee sanadkii hore la meel Mariyay.

Mid ka mid ah dadka dibadbaxayaasha ayaa u sheegay warbaahinta in falkaan uu ka dhacay agagaarka Jaamacada islaamiga ee Jamia Millia oo ku taal caasimada New Delhi.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka danbeysa dhacdadaan iyadoo ciidamo ka tirsan booliska Hindiya loo daad gureeyay halka uu falkaan ka Dhacay.

Sharciga wax looga badalayo Muwaadinka ayaa dhigaya in dadka muslimiinta ah ee sida sharciga ama sharci darrada ku tagay Hindiya wixii ka danbeeyay sanadkii 2014-kii ay heli doonin xaqqa Muwaadinimo.

Dadkaan ayaa badi asal ahaan ka soo jeeda wadamada Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan waxaana tiradoodu ay gaareysaa malaayiin Qof