Nisa oo soo bandhigtay Fanaan qirtay in uu katirsanaa Alshabaab

0
470

Arbaco, RBB News – Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir.

Muuqaalkan oo lagu baahiyay barta NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagixisada Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.”

Abshir Gaarane ayaa muuqaalkan ku qirtay inuu Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla-markaana uu u qaabilsanaa macluumaadka iyo maaliyadda.

“Kooxdan Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda .” Ayuu yiri Abshir Gaarane Axmed.

Si kasataba ha ahaatee, Dowladda soomaaliya ayaa horay usoo bandhigtay Maxamed Xaaji oo loo yaqaanay Ilkacase kaas oo madax u ahaa shabakad dilal khaarijin ah ka geysan jirtay magaalada Muqdisho kana tirsanaa Alshabaab.