NISA Oo Soo Bandhigtay Labo Sarkaal Oo Shabaab Ah.

0
227

Isniin, RBB News:-Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Labo Xubin Oo muhim ah kana Tirsanaa Alshabaab.

Saraakiil Katirsan Nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in Raggan lagu soo bandhigay Degmada Balad Xaawe Ee Gobolka Gedo

Taliska NISA ee Jubbaland ayaa sheegay in labadan Xubnood ay waqti fog ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab waxaana Shabaabku ay u qaabilsanaayeen Howlgalada Deegaanada Gobolka Gedo sida Hay’addu ay sheegtay.

Taliska NISA maysan Soo bandhigin Magacyada xubnahan isa soo dhiibay iyo in ay wateen Hub iyo In kale.

Raggaan Horay ugu tirsanaa Alshabaab ayaa inta aysan Isku soo dhiibeen laamaha Amaanka Dowlada waxa ay lasoo xiriireen Ciidamo Katirsan Dowlada Kadibna Ay ku wareejiyeen Saraakiisha Nabad sugida ee Kusugan Balad Xaawo.

Taliska Nabad Sugida Ayaa Sheegay in Raggan ay usii gudbin Doonaan Laamaha kale ee Amaanka Dowlada Somaliya.

Shalay Galab ayay ahayd markii Dagaaliyahaan Katirsanaa Alshabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Amaanka Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.