Other Links ...


Business ...

   Towfiiq Online

   banadirsoftware.com

   nation-link.com


Education ...

   lafoole.com

   S. E. D.com


News Audio 

   BBC News 11:00

   BBC News 18:00



Warbixin ku Saabsan Kulan maanta ay yeesheen Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed.

Fadhi maanta ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka KMG ee Soomaalida Magaalada Nairobi ayay kaga hadleen go'aan ka gaarida halka Xukuumada ay salka dhigayso.

Fadhigii saaka oo lagu qabtey Xerada Mbagati ee duleedka Magaalada Nairobi ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Prof.Maxamed Cumar Dalxa waxaana ka soo qayb galey 173 xubnood oo ka mid 275 xildhibaan oo ka kooban yahay Baarlamanka Soomaaldia.

Prof.Dalxa ayaa furitaankii shirka wuxuu ka sheegay in Xildhibaanada ay maanta ka doodi doonaan qaabka dib dalka loogu laabanayo, isla markaana ay warbixin ka dhageysan doonaan Guddi ka mid ah Baarlamanka oo hawlo nabadeed u aadey deegaano ka mid ah Gobolka Bay oo xiisad colaadeed oo ka jirtey ku guuleystay inay soo afjaraan.

Intii aysan bilaaban wax dood ah ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanadu waxay soo jeediyeen inay haboon tahay in qodobka dib u noqoshada dalka laga doodo marka ay Xukuumadu si rasmi ah ugu soo bandhigto aarlamanka, laakinse amuurtaas ayaa waxaa hadalo kaga hor yimid isla qaar ka mid ah Xildhibaanada uu soo jeediyey inaysanba habooneyn wax dood ah oo aan loo baahneyn mar hadii Xukuumada gaar ahaan Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi uu ku dhawaaqey in Xukuumadu ay tageyso Magaalada Muqdisho ayna dalka dib ugu laabaneyso.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa si adag waxay uga horyimaadeen fikradihii ay soo jeediyeen saaxiibadood ee ahayd in Ra'isulwasaaraha lagu raaco Tagista Muqdisho, waxayna xubnahaas sheegeen inaysan haatan suurtagal ahayn in Xukuumada ay tagto Magaalada Muqdisho bacdamaa aysan ka jirin xasilooni buuxda, sidaas awgeedna loo baahan yahay in hubka laga dhigo kooxaha aan cidna ka amar qaadan ee ka jira magaalada jawi nabadeedna lagu soo dabaalo.

Wariye ku sugnaa doodii baarlamanka ee maanta ayaa soo sheegaysa in markii xaaladii gaartey qir iyo qir oo sawaxan iyo buuq badina meesha ka dhacey ayaa waxaa la isla gartey in Baarlamanku dhexdiisa iska dhex doorto Gudi qiimeeya halka ay Xukuumadu salka dhigeyso taasi oo markii dambe la isku raacey.

Dhanka kale Xildhibaanadii Beelaha Digil iyo Mirifle ee warbixinta nabadeynta ah laga sugayey ayaa iyaguna waxay codsadeen in waqti dheeraad ah la siiyo oo ay ku soo diyaariyaan safarkii iyo hawlihii nabadeynta ee ay ku tageen deegaanada Gobolka Bay ee colaadii ka jirtey ay soo afjareen.

Kulankii maanta ee baarlamanka ayaa sidaas ku soo dhamaadey iyadoo lagu balamey in maalinta Khamiista la isugu yimaado kulan kale, walow Xildhibaanadu aysan waqtiga ku darsan in maalintaas ay tahay maalin Ciid ah oo Umadaha Islaamku ay ciidayaan Munaasabada Ciida Carafo oo lagu dhawaaqey inay tahay Maalinta Khamiista ah hadii EEBE idmo.

Source: Radio Banadir.

Mugdishu, Somalia


Comments of this Article [Send us here]