Puntiland Oo Shaacisay in ay qabatay xubno ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish.

0
234

Isniin, RBB News:- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

Qoraal kasoo baxay taliska ciiddanka PSF, ayaa lagu sheegay in tuhmanayaashaan lagu qabtay howlgallo xalay laga fuliyay magaaladda Bosaso oo lagu adkaynayo amniga.

Maalmo kahor ayaa magaaladda Bosaso lagu dilay masuul katirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, iyadoo dilkaas ay sheegteen ururka Al-shabaab.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa saakay sheegtay inay ka dambeeyeen dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay xildhibaan katirsanaa golaha degaanka Gaalkacyo oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa sheegay dilka xildhibaanka inay fuliyeen labo nin oo bistoolado ku hubaysanaa.