Puntland iyo Soomaaliland oo dhawaan Maxaabiis is-dhaafsanaya

0
419

Axad, 2 june 2019 (RBB NEWS) – Soomaliland iyo Puntland ayaa Maalinta berito ah oo Isniin ah ayaa la filayaa in isdhaafsadaan Maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaaladii khasaaraha badan dhaliyay ee ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Soomaaliland ayaa dhawaan siideysay 14 Maxbuus,hayeeshee Puntland ayaa la filayaa in iyana ay siideyso Maxaabiis saddex gaaraya oo uu ku jiro sarkaal,kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii Tukaraq.

Labada Maamul ayaa waxaa horay u dhexmaray heshiis ay garwadeen ka aheyd Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas wallow heshiiskaas aan Warbaahinta loo soo bandhigin.

Puntland iyo Soomaaliland mas’uuliyiin dhawaan u hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin isdhaafsiga maxaabiista,iyada oo Soomaaliland ay bilaawday,isla markaana ay siideysay 14 Maxbuus kuwo kalena ay u qorsheysan yihiin.

Marka laga soo tago isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa xusid mudan in deegaankii ay Maxaabiista ku kala qabsadeen ee Tukaraq ay weli isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Dhinaca kale deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,sida Hadaftimo, Damalla-Xagarre,yubbe iyo deegaano kale ayaa waxaa weli ka taagan xiisad u dhaxeysa labada Maamul,iyada oo ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.