Puntland oo dalac siisay Taliyayaasha Ciidamo ka soo goostay maamulka Somaliland.

0
561

Jimco, 31 May 2019 (RBB news) – Wasiirka Amniga maamulka Puntland, ayaa Darajooyin dalacsiiyay Taliyayaashii hoggaamineysay Ciidamo ka soo gostay dhinaca maamulka Somaliland, kuwaasoo isu soo dhiibay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Munaasabad lagu soo dhaweynayay xubnahan oo ka dhacday Degaanka Bali-busle ee gobolka Sanaag waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha barlamaanka Puntlan, kaasoo maalmahanba halkaasi u joogay soo dhaweyntan xubnahan oo ka hor inta aysan soo goosan Tilifoono iska soo hormariyay.

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ballanqaaday xuquuqaha iyo mushaharaadka Ciidamada ka soo goostay Somaliland.

“Puntland waxay jirtay 20 sanno, waxaa jiray taariikho adag oo inna soo maray, laakiin maanta waxay inna ilowsiinaysaa, oo inna hilmaamsiinaysaa taariikhigii madoobaa ee Puntland soo maray, waxaan rajaynaynaa in Sanaag ay Tusaale u noqon doonto gobolada kale ee Somaliland dhibka ku hayso ee Sool iyo Cayn” ayuu yiri wasiir Galan.

Halkan Hoose ka aqriso xubnaha la dalaacsiiyay:

Taliyihii Guutada 93-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle Dhexe Xuseen Faarax Aadan, waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare.

Taliyihii Guutada 116-aad Gaashaanle Dhexe C/rashiid Axmed Jaamac , isaguna waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Sare.

Taliyihii Ururka Koowaad ee aagga Dhahar Gaashanale Jaamac Cabdi Geesood, waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Dhexe.