Qaabkee Loo Maareynayaa Kuraasta Somaliland Ee Doorashada Soo aadan?

0
257

Khamiis, RBB News:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa beesha caalamka ugudbiyay qoraal uu ku sheegayo in barlamaanku diyaarinayo qaab gaar ah oo loogu talagalay doorashada kuraasta Somaliland.

Qoraalkaan oo xafiiska guddoomiyaha ka baxay lixdii bishaan, ayuu kula hadlayaa, Midowga Yurub, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, isagoo u sheegaya in Somaliland qorsheyaal gooni ah ku yeelandoonto doorashada kuraasta wakiiladda matalaya barlamaanka soo socda.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in uu  baarlamaanka si dhow ula shaqeyn doono guddiga qaran ee doorashooyinka, si loo ogaado loona xalliyo wixii farsamo ah ee saameyn ku yeelan kara dhaqan galka qaraarka Somaliland.

Qoraalka intiisa hore, waxaa guddoomiyaha barlamaanka beesha caalamka sharraxaad ka siinayaa sharciga cusub ee doorashooyinka ee dhawaan uu barlamaanku meel mariyay.