Qaar kamid ah Kaamirooyinka Qarsoon Ee Wadada Maka Al-Mukaramah Oo Qarax Lagu bur buriyay

0
310

Khamiis, RBB News:- Dadka kudhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa saakay kusoo toosay Maqalka jug xoogan oo argagax ku abuurtay taasi oo dadka badankood ay ufahmeen in madaafiic lagu weeraray meel muhiim ah oo katiraan Magaalada. Qaraxyo xoogan ayaa saaka waabaragii waxa ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, ka dib markii lagu burburiyay kaamirooyinka wax duuba ee kuxiran hareeraha wadooyinka magaalada qaarkood.

Qaraxyada oo dhawr ahaa ayaa waxaa lala beegsaday baalaha ay ku xiran yihiin kaamirooyinka CCTV-ga, ee xaaladda amniga lagula socdo.

Tiro kaamirooyin ah oo ku yaala inta u dhaxeyso Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ayaa la xaqiijiyay in la burburiyay, sidoo kale waxaa jira qarax kale oo lagu burburiyay kaamiradii ku xirneyd Isgoyska Hawlwadaag.

Laamaha amniga ayaa billo ka hor kaamirooyinkan ku xiray isgoysyada ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, si loogu xaqiijiyo amniga magaalada.

Inta la’ogyahay mahirto dad ku waxyeeloobay qaraxyadii xooganaa, ee saaka gilgilay Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ay ilbiriqsiyo uun u dhaxeeyeen ayaa xaalad jahwareer ah ku abuuray bulshada ku dhaqan Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.

Wali wax war ah kama uusan soo bixin Saraakiisha hay’adaha amniga.