Qaar kamida musharixiinta Galmudug oo kasoo horjeestay Jadwalka doorashada

0
211

Arbaco, RBB News – Afar ka mid ah musharaxiinta u sharaxan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa ka horyimid jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, uu soo saaray garab ka mid ah Guddugii Doorashada ee Talaadadii kala qaybsamay.

Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale oo lagu tiriyo musharaxiinta mucaaradka ayaa si rasmi ah uga horyimid jadwalka.

War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen inay Dowladda Federaalka garab gaar ah u afduubtay hannaanka maamul u samaynta Galmudug, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanan la tixgelin cabashadii musharaxiinta ee ku aadaneyd in kow iyo labaatan maalmood dib loo dhigo doorashada, sababo ku aadan iyagoo aan weli fursad u helin inay la kulmaan Xildhibaanada, sidoo kalena aan la tixgelinin heshiisyadii horey loo wada gaaray.

Musharaxiintan ayaa waxay ku taliyeen in laga gudbo sharciyaynta garab gaar ah loogu afduubayo Guddiga Doorashada, sidoo kalena uu Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ka shaqeeyo mideynta Guddiga Doorashada, ee labada garab u kala jabay.