Qaar kamida Wadooyinka Muqdisho oo saaka xeran

0
444

2 Maarso 2019 (RBB News) – Qaar kamida wadooyinka Magaalada  Muqdisho ayaa saaka xaniban, waxaana qaar kamida isgoosyada ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka iyagoo gaadiidka Dadweynaha u diiday in wadooyinkaas isticmaalaan.

Isgooyada saaka ciidamadu joogaan ee xeran waxaa kamida ah: Howlwadaag, Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka waxaa la arkayaa dadka oo wadooyinkaas lugeynaya.

Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay waxaa loo diidayey iney kasoo gudbaan dhanka wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Maanta waxay noqoneysaa maalintii labaad oo ay xiran yihiin Wadooyinka Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay tahay in wali lagu jiro Howlgalkii Qaraxyadii & Weerarkii xigay ee  Arbacaddii Habeenkeedii Alshabaab ku qaadeen Hoteelo ku yaala Wadada Makka Al-mukarama.