Qadar iyo Sacuudiga oo dib usoo celinaya xiriirkii hore

0
328

Isniin, RBB News – Wasiirka arrimaha dibedda ee Qadar ayaa sheegay inay tahay arin hordhac in laga wada hadlo horumarka dhabta ah ee laga gaadhay Saudi Arabia dhanka xanibaada laakiin furitaanka wadiiqooyinka xidhiidhka ee Xumuumadaha Doha iyo Riyadh ayaa sheegay in ay ahayd talaabo horay loo qaaday.

Wareysi uu siisay Al Jazeera, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani wuxuu sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysa Qatar iyo Dowladaha Khaliijka ka dib markii lagu soo rogay cunaqabateyn labo sano iyo badh, cunaqabateyn dhanka badda iyo dhulkaba.

Waxaan wali ku jirnaa marxalad hore. “xoogaa horumar ah ayaa jirta.”

Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya oo ay weheliyaan Imaaraadka, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar waxay jabiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed iyo ganacsiga ee ay la lahaayeen Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageeraan “argagixiso”.

Dowladda Qadar waa ay beenisay eedeymaha loo soo jeediyay, waxayna ku eedeeysay dowladaha deriskooda ah inay raadinayaan carqaladeeynta qaranimada Qadar.

Sheekh Maxamud wuxuu sheegay in eedeymaha argagixisannimada ay cadeeyeen inaysan sal iyo raad lahayn bulshada caalamka.

Wadammada khaliijka ayaa dalbaday in Dowladda Qatar ay joojiso wada-shaqeynta ay la leedahay dhiggeeda Iran, in la xiro Shabakadda Warbaahinta Al Jazeera, iyo in la xiro saldhiga millatari ee Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in Qatar aysan bixin doonin wax tanaasul ah oo “saameyn doonta qaranimadeeda ama faragelin ku sameyn karta siyaasadda gudaha ama tan dibedda”.

“Markaan eegno aragtideena, waxaan rabnaa inaan fahanno cabashada waxaan rabnaa inaan wax ka baranno oo aan qiimeyno, oo aan raadinno xalka mustaqbalka naga ilaalin kara dhibaatooyinka kale ee imaan kara,” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa jiray astaamo muujinaya in ay suuragal tahay inuu dib usoo hagaagi karo xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Qatar.

Bishii la soo dhaafay, wargayska ‘Wall Street Journal’ waxa uu sheegay in Sheekh Maxamed uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Sucuudiga bishii Oktoobar si ay u soo afjaraan muranka iyo isfahamwaaga labada dhinac.

 

Source :- Al Jazeera