Hal milyan oo muslimiin ah oo ku xirxiran Shiinaha

8
1817

Image result for BBC Somalia Logo

13 Agoosto 2018 “Qaramada Midoobay oo loo sheegay dad hal milyan ah oo xiran “Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa loo sheegay in dalka Shiinaha ay ku xirxiranyihiin illaa 1 milyan oo qof oo ka mid ah qoowmiyadda muslimiinta ah ee Uighurs, kuwaas oo lagu hayo goobaha argagixiso la dagaalanka.

Mr McDougall oo xubin ka ah guddiga hay’adda ayaa arrintan ka sheegay shir labo maalmood ahaa oo looga hadlayay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaanan durba ka jawaabin sheegashadaas, balse ergada 50 dhan ee Shiinaha uga qaybgalaya shirka Geneva ayaa sheegay in ay ka hadli doonaan arrinkan.

Maxay yihiin dadka Uighurs?

Waa qoowmiyad muslimiin ah oo degen gobolka Xinjian ee dalka Shiinaha, halkaas oo dadka ku nool ay ka yihiin 45%, gobolkana waxa uu leeyahay is maamul goboleed sida kan Tibet oo kale ah.

Wararka ku saabsan xirxiritaanka dadkan ayaa aad usoo kordhaya, waxayna socdeen muddo bilooyin ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa sheegay in loo sameeyay dadkan xerooyin waaweyn oo lagu ciqaabo, laguna qasbo in ay ku dhaartaan in ay daacad u yihiin madaxweynaha dalkaas Xi Jinpin.

Dadka qaarkood ayaa la hayaa iyada oo aanan lagu soo oogin wax dacwad ah, waxaana lagu qasbaa in ay qaataan mabaadii’da shuuciyadda.

Dowladda Shiinaha ayaa beenisa eedeymaha loo jeediyo, waxayna had iyo jeer sheegtaa in ay la dagaalamayso xag jirnimada diimeed.

.

XIGASHO: BBC

8 COMMENTS

  1. Hey very nice web site!! Man .. Beautiful .. Amazing .. I’ll bookmark your web site and take the feeds also…I am happy to find a lot of useful info here in the post, we need develop more techniques in this regard, thanks for sharing. . . . . .

  2. Thank you for sharing excellent informations. Your web-site is so cool. I’m impressed by the details that you have on this website. It reveals how nicely you perceive this subject. Bookmarked this web page, will come back for more articles. You, my pal, ROCK! I found just the info I already searched everywhere and simply couldn’t come across. What an ideal web-site.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here