Qarax Ciidamo Katirsan Kenya Lagula Eegtay Wajeer.

0
206

Sabti, RBB News:- Gaari ay Wateen Ciidamada Sida gaarka utababaran Ee Kenya  Oo Marayay Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa miinoo kula qaraxday Kadib markii uu dulmaray miino Dhulka ku aasneyd waxaana Qaraxaasi kadhashay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Laba sarkaal oo katirsan Ciidamda Nabadsugid Kenya ayaa Kudhintay halka todobo kale uu soo gaaray Dhaawacyo Culus.

Weerarkan Oo Dhacay Shalay galinkii Dambe ayaa yimid Kadib Markii Askarta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay kormeer joogto ah ku tageen goob ay wax ka dheceen.

Taliyaha Bilayska Gobolka Wajeer Thomas Ngeywa ayaa sheegay in falkaasi dhacay abbaaraha 4-tii galabnimo oo shalay ahayd.

“waxaan xaqiijin karaa in saraakiisheenii ilaalada joogtada ahaa ay si xun u dhaawaceen kadib markii gaariga ay ku safrayeen uu dulmaray Miino lagu aasay wadada hareeraheeda.” Sidaa waxaa yiri Mr Ngeywa.

Dagaaliyahaano Katirsan Alshabaab ayaa Sagaal maalmood ka hor Afduubay afar ka mid ah shaqaalaha kashaqeynayay Xarun dhismo oo kutaalay Bariga Wajeer.

Dadka la afduubtay ayaa waxa ay kamid ahaayeen shaqaallaha waddada Riba iyo Konton oo dhismo ay kasocotay.

Darawal kamid ahaa Afarta Qof ee la afduubay ayaa ka baxsaday Gacanta Kooxihii AFduubka Geytay.

Bishan Diseembar 7-deedii, kow iyo toban qof ayaa naftooda ku waayey halka lix kale ay baxsadeen iyagoo qaba dhaawacyo fudud kadib markii looga Al-Shabaab ay weerareen bas kusii jeeday Magaa lada Mandheera.

Dhacdadan waxay tirada weerarada ee Alshabaab ay Kageysteen ee Wajeer ay ka dhigaysa weerarkii lixaad saddexdii bilood ee la soo dhaafay.