Qarax dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

2891
7961

Sabti, July, 21, 2018 (RBB) – Wararka xiligan naga soo gaaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay Qarax loogu xiray gaari yar oo ay saarnaayeen saddex ruux, meel aan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa darawalkii gaariga waday, sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray dad kale oo la saarnaa gaariga oo ay Dumar ka mid ahaayeen.

Lama oga waxa ay ahaayeen dadkan qaraxa gaariga loogu soo xiray, hasse ahaatee waxaa goobta tagay oo bilaabay baaritaanno saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Magaalada Muqdisho ma’aha wax ku cusub qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu soo xiro gawaarida waxaa-na inta badan lagu bartilmaameedsadaa shaqaalaha dowladda.