Qarax khasaare ballaaran geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

670
18882
A man reacts near the scene of a blast in the district office of Hawlwadag in Mogadishu, Somalia, September 2, 2018. REUTERS/Feisal Omar

Axad, September, 02, 2018 (RBB NEWS) – Lix ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhin-teen weerar Ismiidaamin ah oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa bur buriyay dhismayaal ka agdhawaa xarunta degmada, Dugsi Qur’aan iyo waliba iskuul ardeyda wax bartaan, waxaana dadka dhintay ay isugu jiraan, dad rayid ah, askar iyo waliba qofkii weerarka geystay.

Saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goor sii horeysay u sheegay wakaallada wararka Reuters in ay goobta ka qaadeen 14 ruux oo dhaawac ah oo Lix ka mid ah ahaayeen carruur.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weerarka lagu bartilmaameesaday xarunta degmada Howl-wadaag, isaga oo sheegay in ay dileen 10 ruux.

Ilaa iyo hadda laamaha amaanka dowladda Soomaaliya wax faah faahin ah kama aysan soo saarin Qaraxan maanta dhacay.

XIGASHO: (HOL)

670 COMMENTS

  1. Definitely believe that which you said. Your favorite justification appeared to be on the net the easiest thing to be aware of. I say to you, I certainly get annoyed while people think about worries that they plainly don’t know about. You managed to hit the nail upon the top as well as defined out the whole thing without having side effect , people can take a signal. Will probably be back to get more. Thanks|

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here