Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & khasaaro ka dhashay

0
674

Axad, 28 April 2019 (RBB News) – Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,waxaana Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya lagula eegtay deegaanka Weeydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamaan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa kasoo ambabaxay dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in la qarxiyey xilli ay marayeen deegaanka Weeydoow ee duleedka Magalada Muqdisho.

Ilaa 7 ruux oo 4 ka mid ah ay Askar yihiin ayaa la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Magalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakad geliyey isku-socodka dadka iyo Gadiidka ee deegaanka Weeydoow wallow markii dambe ay dib u fureen.

Deegaanka weeydoow iyo deegaanada kale ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa qaraxyo lagu weeraraa xilliyada ay ku socdaalaayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaana qaraxyadaas mas’uuliyadooda sheegta Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyada oo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka Shacabka ee ku sugan goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan.