Qarax qasaare geystey oo ka dhacay Deegaanka Weydow

0
370

Sabti, 22 june 2019 (RBB News) – Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah qarax deegaanka Weedow ee duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhintey saddex ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga halka shan kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka qaraxa lala eegtay oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa waxa ay ka yimaadeen Ceelasha biyaha halka wararka qaarna ay sheegayaan in ay ka yimaadeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada lagula eegto gaadiidka ciidamada milatariga wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa ah kuwo marwalba dhaca iyadoo ay qasaare ka soo gaarto ciidamada maraya wadada.