Qaraxii Labaad Oo Muqdisho Ka Dhacay Iyo Mas’uul Kudhintay.

0
294

Axad RBB News:- Waxaa daqiiqado ka hor magaalada muqdisho ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud(Amiin) oo ahaa Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir,xilligii Gudoomiyaha gobolka ahaa Muungaab.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Goob koontorool ah oo lagu baaro Gawaarida oo ku taalla agagaarka Isgoska km4 wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho,waxana uu ahaa nooca gawaarida lagu dhejiyo.

Lama ogo qasaaraha kale ee ka dhashay qarax xilli ay goobta marayeen dad badan oo shacab ah waxana qaraxa kadib goobta xiray ciidamo katirsan kuwa dowlada.
Dad goob joog ahaa ayaa Idaacada Banaadir usheegay in gaariga uu qarxay xili uu marayay meel udhaw Isgoyska km4 Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan aya ah kii labaad ee Maanta ka dhaca Magalada Muqdisho,waxaana Maanta Qarax kale oo nuuciisu ahaa miino dhulka lagu aasay lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo marayay qeybo kamid ah degmada Hodan Ee gobolkan Banaadir.