R/wasaare Khayre Oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka maaliyadda, guddoonka Baniga Dhexe iyo xisaabiyaha guud

0
277

Talaado, RBB News – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka maaliyadda, guddoonka Baniga Dhexe iyo xisaabiyaha guud

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Bangiga dhexe ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu kurmeerka ku jiray waxa uu kulan looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bagiga la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee dalka iyo xisaabiyaha guud.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.