R/wasaare Kheeyre oo magacaabis sameeyay

0
336

Isniin, RBB News – Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha

wareegto kasoo baxday Xafiiska R/wasaraha Xukuumada ayana lagu cadeeyay in Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta uu noqon doono Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Golaha Xukuumada R/wasaare Kheeyre ay xilkii ka qaadeen Taliyeyaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida oo uu ku jray Taliyii hore ee ciidanka asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyadoo xilka Hogaanka Ciidanka Asluubta loo magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.