R/wasaare Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

0
252

Axad, RBB News – Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, si uu uga furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Dhuusamareeb dhaq dhaqaaq ay dowladda Federaalka kula wareegeysay Amniga guud ee magaalada, iyadoo ay muuqato in awooddii Ahlusuna ku laheyd magaalada ay si tartiib tartiib gacantooda uga baxeyso.

Sikastaba ha ahaate xaalada Maamulka Galmudug ayaa ah mid aad u cakiran iyadoo siweyn Magaalada Dhuusomareeb looga dareemayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay kala hogaaminayaan ciidamada maanta halkaasi loo daabulay iyo kuwa Ahlu-suna