Ra’iisul wasaare Khayre Oo Kormeeray Dhowr xarun oo Muhiim ah.

300
5234

Sabti 26 Janaayo 2019 (RBB News) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray Bangiga dhexe iyo xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo maamulka Bangiga iyo wasaaradda maliyadda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoonka bangiga dhexe oo uu la kulmay waxa uu ka xog waraystay shaqooyinka ka socda bangiga iyo horumarrada la gaaray, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu hagaajinayo hannaanka bixinta lacagaha.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaaruhu kula kulmay xarunta wasaaradda, waxa uu kala hadlay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha, waxa uuna faray dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

300 COMMENTS

  1. Our doctor thought that Dad was it is possible that to superiority than Mom in this situation. Stricter, more trying, bequeath not regret at intervals again when you have need of to take inconsolable cialis generic. Spring, I wanted to around my trouble a break.
    I spent a little exceeding a month in the concentrated trouble piece and two and a half months in the bone marrow remove unit. There I became a giver in compensation my son. I’m ready I was competent to help him. I was the only humankind in both departments, but my parents were already there. That is, a gentleman’s gentleman in the quarter with a child is no longer a rarity.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here