Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Safiirrada Midawga Yurub Ee Soomaaliya

8
304

Arbaco, Janaayo 23, 2019 (RBB News) -Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan mira dhal ah kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo ciidanka qaranka.

Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

8 COMMENTS

  1. 1 Mg Finasteride Generic Propecia Hydrochlorothiazide Order Secure Ordering With Free Shipping Shop Viagra Pfizer Achat En Aubervilliers online cialis Amoxicillin Clavulanic Acid Dogs Mg Kg Tadalafil Dosage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here