Ra’iisul Wasaare Khayre oo Lakulmay Wasiiru dowlaha arrimaha Afrika ee Ingiriiska.

0
224

Arbaco RBB News:- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dowladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa dowladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dowladda Ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.