Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray degmada Caabudwaaq Sawirro”

0
500

Jimco,28,2019 RBB News – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo ah halka uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah booqasho maalmihii la soo dhaafay ku marayay deegaanada Gobolka, waana degmadii 3aad ee uu tago.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay bannaanka magaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, mas’uuliyiinta deegaanka iyo boqolaal dadweyne.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hoyanaya Caabudwaaq, waxaana ay kulamo la yeelan doonaan odayaasha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kala hadlayaan aayaha Galmudug.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in maalinta berri ay gaaraan deegaanka Guriceel, halkaasoo ay si weyn uga socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga.