Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Ergeyga Cusub Ee Qaramada Midoobay

12
11689

Thursday October 4, 2018 (RBB NEWS) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta qorshayaasha qaranka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxa aan rajaynayaa in aan wadajir uga shaqayno qorshayaasha qaran”. ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, ayaa Nicholas Haysom usoo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, waxa uuna bedelay ergaygii hore, Michael Keating oo dalka ka howl gelayay laga soo billaabo 2016.

This slideshow requires JavaScript.

12 COMMENTS

  1. scarpe scorpion bay

    tosatrice professionale per capelli abbigliamento giallo siti fotografie piscine per bambini con parasole borse liu jo saldi online outlet prezzi gonne inverno 2017 hochbett teilbar cardigan damen lang wei脽 sommerkleid wei脽 kinder wollpullover f眉r jung…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here