Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Tamarta Iyo Haweenka

208
1911

Axad 03 Feebarayo 2019 (RBB News) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta kormeeray wasaaradaha warfaafinta, tamarta iyo Haweenka si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu ay la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku sedaxda wasaaradood oo ka wada tirsan guddi hoosaadka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in qorshaha booqashadu ay ahayd xoojinta dadaallada lagu xaqiijinaho fulinta ballan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa loo xil saaray daba galka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Wasiirrada Soomaaliya ayaa horraantii sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhammaan shaqooyinka dawladda.

208 COMMENTS

  1. Nice post. I learn something new and challenging on websites I stumbleupon every day. It will always be useful to read articles from other writers and practice a little something from other sites.

  2. You’ve made some good points there. I checked on the internet to find out more about the issue and found most individuals will go along with your views on this web site.

  3. Hello, I do believe your site might be having web browser compatibility issues. When I look at your web site in Safari, it looks fine however, when opening in I.E., it has some overlapping issues. I merely wanted to provide you with a quick heads up! Other than that, wonderful blog!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here