Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo lakulmay wakiiilka UNICEF ee Soomaaliya.

0
244

Sabdi, 1 june 2019 (RBB NEWS) – Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Xukumada Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxa Cusub ee UNICEF u qaabilsan Soomaaliya.

Mahadi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa kulan la qaatay Mr. Werner Schultink oo ah wiilka UNICEF u qaabisan Soomaaliya waxa ayna kawada hadleen shaqada UNICEF ee Soomaaliya.

”Waxa aan maanta kulan midha dhal ah la yeeshey madaxa cusub ee UNICEF u qaabishan dalkeenna Soomaaliya, Mr. Werner Schultink oo aan ka wada hadalnay shaqada UNICEF ee Soomaaliya” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guulleed.

 Mr. Werner Schultink oo ah wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan loo magacaabay xilkaan waxaana uu ka shaqayn doonaa Xafiiska UNICEF ee Soomaaliya.