Ra,isul wasaaraha Cusub ee Greeca oo xilka loo Dhaariyay

0
301

Isniin RBB News:- Ra,isul wasaaraha cusub ee Greeca Kyriakos Mitsotakis ayaa loo dhaariyay xilka kadib guushii xisbiga dhexe ee midigta ee New Democracy party uu ka gaaray doorashadii axadii Shalay.

Arintaan ayaa soo afjartay xukunkii xisbiga Syriza oo talada hayay tan iyo sanadkii 2015-ka oo hada laga joogo afar Sano.

Ra’isul wasaaraha xilka ka dagaya ee Alexis Tsipras ayaa helay codad dhan 31.53 boqolkiiba halka Mitsotakis uu isna la yimid boqolkiiba 51.

Ninkaan oo 51 sano jir ah ayaa isaga xaaskiisa iyo sadex caruur ah oo uu dhalay qasriga ayaa  madaxtooyada aaday si mas,uulkii uga horeeyay uu talada kala Wareego.

Mitsotakis ayaa dhanka kale wacad ku maray in uu soo afjari doono shaqa la,aanta iyo dhaqaale xumada ka jirta Greeca.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in uu magacaabo galinka danbe ee isniinta maanta golihiisa cusub ee Wasiirada.