Riek Machar : Lama dhacsani qorshaha Salva Kiir ee gobollada dalka lagu dhimayo

0
273

Image result for bbc somali logo

Hogaamiyaha fallaagadii South Sudan, Riek Machar, ayaa sheegay in aanu la dhacsanayn qorshaha madaxweynuhu ku doonayo in dhabbaha loogu xaadho samaynta dawlad midnimo qaran ah oo dalku yeesho.

Sabtidii shalay ayaa Madaxweyne Salva Skiir aqabalay dalab hore ay mucaaradku u aqbaleen oo ahaa in gobollada dalka lagu soo celiyo tiradii hore oo ah waxaanu sidoo kale shaqada ka eryayey laba iyo soddonkii badhasaab ee gobollada ee hore loo magacaabay.

Warfidiyeenku waxay sheegayaan in labada dhinac ay weli aad u kala shakisan yihiin.

Madaxweyne Salvakiir wuxuu sheegay inuu aqbalay dalabka mucaaradka ee ahaa in tirade gobolada laga dhigo 10 halka uu marki hore doonayey 32 gobol.

Hadalka ka soo yeeray Salvakiir ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid rajo gelineyso iney soo afjaranto cabashada mucaradka uuna hirgalo heshiiska nabadeed ee South Sudan.

Wuxuuna sida oo kale oggolaaday inuu jagooyin sare uu mucaaradka ka siiyo dowladda wadajirka ee awood qaybsiga ku saleysan oo lagu wado in dhawaan la dhiso.

Hase yeeshee, warmurtiyeed uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee fallaagada, Rike Machar wuxuu ku gacan seydhay go’aanka madaxweynaha uu qaatay ee ah in ismaamullo gaar ah laga dhiso deegannada ay dagaalla beeleedyadu in muddo ah ka socdeen.

Kalsooni la’aanta labada hoggaamiye u dhaxeysa ayaana lagu tilmaamay mid ay weli fari ka qodneen.

Kala duwananaasha aragtiyeed ee labada dhinac u dhaxeysa haddii ay horseedda iney kulankooda toddobaadka dambe yeelanayaan uu fashil ku yimaaddana ma noqoneyso mid lala yaabo.

Maalinta sabtida ee soo socota ayaana loo qabtay ugu dambeyn iney dowlad loo dhan yahay ku soo dhisaan.

Madaxweyne Salva-kiir iyo Madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis caalami ah la kulmaya si ay u soo afjaraan meel marinta heshiiska nabadeed oo ay horay u wada gaareen.

Waxaana labada dhinac loogu baaqay kulankooda toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaarin wixa ay isku fahmi la’yihiin iney xalliyaan. Labada hogaamiye ayaa horay u saxiixay dhawr heshiis balse ma aysan noqn kuwa mira dhala.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay, in ka badan 2 malyan oo qofna waxay ka bara kaceen colaadda dalkaas ee ka dhalatay farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Kiir iyo Machar..

Labada hogaamiye ayaa horay u saxiixay dhawr heshiis balse ma aysan noqn kuwa mira dhala.

Salva Kiir ayaa wadanka madaxweyne ka ahaa tan iyo markii dalkaasi koonfurta sudan ay sanadii 2011-kii ka xuroobeen Sudan. Waxaana la hakiyay doorashooyin lagu waday in ay dalkaasi ka dhacaan sanadkii 2015-kii.

Dagaalkan sokooye ayaa waxa uu dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013-kii, kadib markii uu khilaaf dhaxmaray Mr Kiir iyo Machar oo xiligaasi ahaa ku xigeenkiisa.