RW Ku Xigeenka Dalka ‘’Dadku Ma aaminsanayn in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Labo Sano Wada Shaqeyn Doonaan.’’

0
415

Sabti 16 Febraayo 2019 (RBB News) –  Mahdi Maxamed Guled ( Khadar ) Ra’isulwasaare Ku Xigeenka Dalka ayaa sheegay in ay aad u yarayd Rajada Dadka Ee ah in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Faramaajo  iyo Ra’isulwsaare Xasan Cali Kheyre Wada shaqeyn doonaan Labadii sano Ee ay Dowladda jirtay.

Dad badan ayuu sheegay in ay qabeen Fikradda ah In ay Madaxda Hadda Jirta mari doonaan Wadiiqadii Horay ay u mareen Madaxdii Hore Ee Dalka soo martay, maadaama ay jireen Khilaafaad soo dhex galay oo ay Madax badan Ku waayeen Xilalkoodii.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faramaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre La yimaadeen Dhaqan Siyaasadeed Oo Cusub.

Halkan Ka Dhageyso: Codka RW Wasaare Ku Xigeenka Dalka:-