Sacuudiga Oo Lagu eedeeyay in Dhibaato uu Ugeystay Mustaqbalka Caruurta Yeman.

0
628

Talaado, RBB News:- Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka dheer ka wado Yemen ayaa lagu eedeeyay in ay mustaqbalka caruurta ay ka dhigeen “mid ba’an” ayna dhibaato ugeysteen caafimaadka maskaxda carruurta kunool gudaha Dalkaasi, sida ay sheegtay hay’ad samafal oo caalami ah

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda samofalka ee Save the Children, in kabadan kalabar caruurta Yemen ee la waraystay ayaa sheegay inay la halgamayaan dareenka murugada iyo niyad jabka in ka badan shan sano kadib bilowga Colaada Dalakasi Dagaalkaasi oo Yaman galiyay waxa ay Qaramada Midoobay Ugu yeertay dhibaatada bina-aadamnimo ee ugu xun adduunka.

tobankii carruur ah ee reer Yemen kala bar waxa ay sheegayaan inay murug iyo niyadjab dareemaan had iyo jeer, sida lagu Xusay warbixinta.

Shantii caruur ahba mid ayaa sheegay in ay waligood ka baqayaan in colaada ay sii taagnaan doonto mar walbana ay murugaysanyihiin.

Kooxda ayaa sheegtay in sahankan uu yahay kii ugu ballaarnaa nooceeda oo ka dhex dhaca carruurta iyo waalidiinta tan iyo markii dagaalku qarxay.

Save the Children waxay waraysatay 629 caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 13 iyo 17 iyo 627 waalid iyo daryeelayaal kale oo ku nool gudaha Yeman.

Daraasaddan ayaa imaanaysa xilli Yemen, oo ah dalka ugu saboolnimada badan Gacanka Carbeed, ay wajahayso khatarta ugu weyn ee coronavirus-ka cusub.

In kasta oo aan illaa iyo hadda la diiwaan gelin wax dacwad ah oo COVID-19 ah, suurtagalnimada in dillaaco ayaa halis gelinaysa nidaamka daryeelka caafimaad ee horeba jilicsan.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in iskahorimaadka ay ku qasbeen laba milyan oo caruur ah guryahooda ay kaqaxaan iyo ugu yaraan laba milyan oo iskuuladooda laga saaray.

In ka badan 7,522 dhalinyaro ah ayaa la diley ama la dhaawacay shantii sano ee la soo dhaafay, warbixinta ayaa lagu yiri, iyadoo intaas ku dareysa in qiyaastii 2.1 milyan oo carruur shan sano jir ka yar ay nafaqo darro aad u ba’an hayso.

“Caruurta aan lahadalnay way argagaxeen,” Ayay tiri warbixinta Save The Childaren.

Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisu waxay bilaabeen gardarro milatari oo ka dhan ah Yemen iyagoo isku dayaya inay dib u soo nooleeyaan nidaamki hore ay taageersaneed Xukuumada Riyadh isla markaana ay doonayaan in meesha ay ka saaraan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, kuwaas oo difaacaya dalka oo ay weheliyaan ciidamada qalabka sida ee Dowlada.

Weeraraddii  reer galbeedka ee taageerayeen, oo ay weheliso maraakiibta dagaalka, waxay burburiyeen kaabayaashii waddanka.

Waxay kaloo horseeday dhibaatada bina-aadamnimo ee dunida ugu xumaa ee Yemen, iyada oo carruur badani ay la ildaran yihiin daacuun iyo nafaqo-xumo aad u ba’an.

Caruurtu waxay ka mid yihiin dhibbanayaasha ugu nugul dagaalkii Sucuudiga ee Yemen, laakiin arrinta ayaa si fudud u heshay jawaab celin caalami ah.