Safaarada Kenya ee Somaliya Oo Shaqo Joojin ku dhawaaqday.

0
631

Isniin, RBB News:- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus.

Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka dad laga fasaxo.

Wadanka Kenya waxaa laga helay 17 qof oo qaba cudurka COVID 19.