Saldhiga Mareykanka Ee Ciraaq Oo Markale Laweeraray.

0
284

Isniin, RBB News:- Madaafiic xoogan ayaa ku hoobatay saldhig ciidaman oo ku yaal duleedka magaalada caasimada ah ee Baqdaad oo ay ku sugan Milatariga Mareykanka.

Weerarka oo dhacay Axada maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay afar askari oo ka Ciraaqi ah, iyadoo macluumad dheeri ah aan laga heynin qasaaraha soo gaaray ciidanka Mareykanka.

Saraakiil ku sugan saldhiga ciidanka cirka Al-Balad ayaa xaqiijiyay in lix madfac ay xerada ku soo Dhacday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gantaalaha ay ku hoobteen maqaayad laga cunteeyo oo ku dhaxtaal gudaha xerada Al-Balad.

Waxaa la aaminsan yahay in xeradan ay dagan yihiin tababarayaal ciidan shaqaale ka shaqeeya dhanka farsamada iyo cilad bixinta diyaaradaha F-16 oo Mareykanka u adeegsado howlgalada uu ka wado Ciraaq.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii weerar xoogan ay diyaaradaha dagaalka Iiraan ku qaadeen laba saldhig oo ay ku sugan yihiin ciidanka Mareykanka.

Xerada Al-Balad ayaa qiyaastii 80 kiilo mitir waxay dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada caasimada ah ee Baqdaad.