sargaal katirsan xarakada al shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka konfur galbeed soomaaliya

0
384

Isniin, 3 june 2019 (RBB NEWS) – Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu isku soo dhiibay Maamulka Koofur Galbeed.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Ali Mohamed Aadan, kaasoo isku dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Bardaale.

Wararka ayaa sheegaya inuu ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee dhanka Howlgelinta dagaalada u qaabilsan Gobolada Baay iyo Bakool.

Sarkaalkan ayaa xilliga uu isku soo dhiibay Ciidamada dowladda waxaa uu ku hubeysnaa qoriga AK47, sidoo kale dharka Milateriga ayuu ku labisnaa.

Muddooyinkii u dambeeyay Saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibayay Ciidamada dowladda, waxaana dhowr sarkaal ay dhowaan iska dhiibeen Gobolka Gedo.