Sarkaal Shabaab Katirsanaa Ku Dhawaad toban Sanno Oo Isa Soo dhiibay.

0
350

Isniin RBB News:- Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Baay.

Sarkaalkaan ayaa isku soo dhiibay Maamulka Degmada Diinsoor & Ciidanka dowladda, waxaana lagu soo bandhigay Magaalada Diinsoor.

Ibraahin Madnuur Cismaan ayaa Shabaab wuxuu ka tirsanaa Sagaal Sano, waxaana uu ka hawlgeli jiray Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Sarkaalkaan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa ka codsaday shacabka Somaliyed inay iska cafiyaan dhibaatadii uu gaystay intii uu ka tirsanaa Shabaab.