Sawiro: Antoine Griezmann Oo Tababarkiisii Ugu Horeeyay La Qaatay Barcelona

0
616

Isniin, RBB Sports – Xiddiga cusub ee kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa tababarkiisii ugu horeeyay la qaatay kooxda Barcelona kadib markii uu shalay si Rasmi loo dhamaystiray heshiiskiisa shalay lana soo bandhigay.

Xiddiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa maanta si Buuxda tababarkiisii ugu horeeyay ee uu yahay xiddig Barcelona ah isaga oo ay ka muuqatay farxad aad u weyn.

Xiddiga 28 jirka Antoine Griezmann ayaa haatan isku diyaarinaya in uu kooxdiisa Barcelona kala qayb qaato kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.Antoine Griezmann ayaa la filayaa in uu kooxdiisa u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay marka ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Chelsea kulan dhici doona 23 bishan july.