SAWIRO:-Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

0
255

Axad, 9 june 2019 (RBB NEWS)-Kulankaan oo lagu qabtay Xarunta Maammulka gobolka Banaadir ayaa waxaa shir guddoomiyay Gudodomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,waxaana looga hadlayay Amniga Caasimadda.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi  Maxamed Ameeriko,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray dardargelinta sugida Amniga, Isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in la daradargeliyo Sugida Amniga Caasimadda,xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.