Shakhsi Muhiim U Ahaa Alshabaab Oo Galay Gacanta Ciidamda Xoogga.

0
380

Talaado RBB News:- Taliska qeybta 43 Aaad Ee ciidamda Xoogga dalka ee Jubbaland  ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsaa Al-shabaab oo dhawaan isa soo dhiibay.

Sarkaalka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada jammaame.

Xuseen Xasan ambeerwa Oo ahaa Sarkaal Horay Ugu Tirsanaa Al-shabaab in muddo ah waqti badan lasoo qatay qeybna ka ahaa howlgalo alshabaab ay ka fuliyeen Deegano katirsan Gobollada Jubooyinka ayaa isku soo dhiibay manta ciidamda Dowlada sida lagu yiri War kasoo baxay Ciidanka Xoogga dalka.

Deegaanada Maamulka Jubbaland waayihii dambe waxaa lagu soo bandhigayay xubno katirsan Alshabaab Oo Inta badan isku soo dhiibay ciidamda amaanka Iyo kuwa Lagu soo qabtay howlgallo ay ciidamada kasmaeeyay Deegaanada Jubbaland.