Sheekh Shariif oo hordhigay 3 qoddob dowladda maanta jirta

0
518

Sabti, 27 April 2019 (RBB News) – Madaxweynihii dowladdii KMG ah aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda dalka, waxaana uu sheegay in dowladda Maanta jirtaa aysan Mas’uuliyad badan iska saarin Xaaladda dalka.

Dowladda dhexe ee Soomaliya ayuu sheegay in aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Shabaabkii aan shaley Mogadishu iyo gobolo badan oo dalka ah ka xureyney in nala yiraahdo maanta Dekeda Mogadishu ayey Canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, anagu Dowlada diyaarbaan ula nahay inaan ku garab istaagno” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa hordhigay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay Caddeyso Saddex qodob oo kala ah:

1. Wax ka qabato Amniga oo meel fog laga keeney
2. Dhameystirka Dastuurka kumeel gaarka ah
2. Xili hore Cadeyso nooca Doorashada 2020