Shiicada Nigeria oo lagu daray kooxaha Argagixisada Aduunka

0
462

Axad RBB News:- Maxkamada sare ee Nigeria ayaa ruqsad u siisay dowlada in ay ka hortagto taageerayaasha kooxda shiicada kuwaasi si rasmi ah loogu daray kooxaha Argagixisada.

Dayo Apata, oo ah qareenka dowlada ayaa xaqiijiyay sabtida maanta ah in Maxkamada sare ay u ogolaatay in dowlada ay awood u adeegsato dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee shiicada Nigeria oo loo yaqaan (IMN).

Taagerayaasha IMN ayaa dibadbaxyo ka dhigayay todobaadyadii la soo dhaafay kuwaasi oo dalbanaya in la sii daayo wadaadka lagu magacaabo
Ibrahim el-Zakzaky, oo dowlada xirtay sanadkii 2015-kii.

Arintaan ayaa dhabar jab ku noqon doonta rajadii ay lahaayeen shiicada Nigeria